Sababaha, Calaamadaha, Daawaynta, iyo Ka Hortagga
Hordhac
Dengue Fever waa cudur uu keeno fayraska dengue, oo ay gudbiyaan kaneecada Aedes aegypti iyo Aedes albopictus. Waa cudur si weyn ugu fida wadamada kuleylaha iyo kuwa cimiladoodu dhexdhexaadka tahay, gaar ahaan Aasiya, Afrika, iyo Latin America.
Sida laga soo xigtay WHO, malaayiin qof ayaa sannad kasta cudurkan la kulma, waxaana laga yaabaa inuu keeno xaalado halis ah sida Dengue Hemorrhagic Fever (DHF) ama Dengue Shock Syndrome (DSS).
Qormadan, waxaan si faahfaahsan u eegaynaa:
- Sababta keenta Dengue Fever
- Calaamadaha lagu garto
- Sida loo ogaado cudurka
- Hababka daawaynta
- Sida looga hortagi karo
Qeybta 1: Maxaa Keena Dengue Fever?
Dengue Fever waxaa keena Dengue Virus (DENV), oo ka kooban afar nooc: DENV-1, DENV-2, DENV-3, iyo DENV-4.
Sida uu u faafo cudurka:
- Kaneecada Aedes ayaa fayraska qaadaysa marka ay qaniinto qof hore u qabay cudurka.
- Kaneecadaas ayaa marka xigta cudurka ku gudbinaysa qof kale oo caafimaad qaba marka ay qaniinto.
- Fayrasku uma kala gubdo qof-qof, balse wuxuu ku faafaa kaneecada oo ah dhexdhexaadiye.
Qeybta 2: Calaamadaha Dengue Fever
Dengue Fever wuxuu leeyahay saddex marxaladood oo lagu kala saaro:
1. Marxaladda Hore (Mild Dengue Fever)
- Qandho sare (39–40°C) oo si kedis ah u bilaabata
- Madax xanuun daran
- Murqo iyo seedo xanuun
- Qandho indhaha gadaashooda laga dareemayo
- Daal badan
- Finan iyo cuncun maqaarka ah (rash)
2. Marxaladda Halista ah (Dengue Hemorrhagic Fever - DHF)
Calaamadaha kor ku xusan oo wehliya:
- Dhiig bax gudaha jirka ah (epistaxis, dhiig sanka ama cirridka ka yimaada)
- Barar iyo dhiig bax gudaha jirka ah
- Matag ama saxaro dhiig leh
- Dhiig-furanka jirka
3. Marxaladda Ugu Halista Badan (Dengue Shock Syndrome - DSS)
- Hoos u dhac weyn oo ku yimaada cadaadiska dhiigga
- Qalal iyo wareer
- Wadnaha oo gaabis noqda ama si aan caadi ahayn u shaqeeya
- Xaalad keeni karta dhimasho haddii aan la dawaynin
Qeybta 3: Sida Loo Ogaado Dengue Fever
Dhaqtarku wuxuu adeegsadaa dhowr hab si uu u xaqiijiyo cudurka:
1. Baaritaanada Caadiga ah
- Dhiiga oo laga baadho fayraska dengue (Dengue NS1 Antigen Test)
- Baadhitaanka unugyada dhiigga (CBC) si loo hubiyo hoos u dhaca platelet-ka (thrombocytopenia)
- IgM iyo IgG antibody tests si loo xaqiijiyo in cudurka cusub yahay ama horey qofku u qabo
2. Kala saarista cudurrada kale
Dhaqtarka wuxuu hubin doonaa in cudurka uusan ahayn:
- Malaria
- Chikungunya
- Zika Virus
- Typhoid Fever
Qeybta 4: Sidee Loo Daweeyaa Dengue Fever?
Ma jirto daawo gaar ah oo looga hortago Dengue Fever, balse daawayntu waxay diiradda saartaa yareynta calaamadaha iyo ka hortagga xaaladaha halista ah.
Daawaynta Guriga (Haddii cudurku fudud yahay)
- Cab biyo badan si looga hortago fuuqbaxa
- Paracetamol (xanuun baabi’iyaha) si loo yareeyo qandhada iyo madax xanuunka
- Nasasho badan
- Cun Cunno nafaqo leh oo jidhka xoojisa
Daawaynta Isbitaalka (Haddii cudurku daran yahay)
- Dhiig ku shubid (haddii dhiig bax jiro) Blood Transfusion
- Dareeraha xididka lagu shubo (IV fluids) si fuuqbaxa loola tacaalo
- Dawooyinka kor u qaada cadaadiska dhiigga haddii qofku shoog galo
Qeybta 5: Sida Looga Hortago Dengue Fever
Maadaama uusan jirin tallaal si weyn loo heli karo ama daawo toos ah oo lagu daaweeyo, ka hortaggu waa hubka ugu fiican.
1. Ka Hortagga Kaneecada
- Isticmaal shabaq kaneecada (marakaneeco ama shandarwo) xilliga hurdada
- Xidh xidhmooyinka kaneecada celisa sida DEET mosquito repellent
- Xidho dhar dheer si jidhka looga ilaaliyo qaniinyada
2. Nadiifinta Deegaanka
- Ka saarista Meelaha biyo fadhiisinada ah(meelaha kaneecadu ku taranto)
- Isticmaal sunta kaneecada lagu dilo (insecticides)
- Dabool haamaha biyaha lagu kaydsado
3. Wacyigelinta Bulshada
Dadku waa inay ogaadaan sida cudurkan u faafo si ay isaga ilaaliyaan
Dowladaha iyo hay’adaha caafimaadka waa inay sameeyaan ololeyaal lagu xakameynayo kaneecada
Gunaanad
Dengue Fever waa cudur halis ah oo si degdeg ah ugu fida gobollada kuleylaha. Waxa uu leeyahay calaamado fudud iyo kuwo khatar ah, sida dhiig bax iyo shoog. Maadaama cudurkan uusan lahayn daawo rasmi ah, ka hortaggu waa midka ugu muhiimsan, waxaana la isku dayaa in la yareeyo fursadda uu qofku ku qaadi karo cudurka.
Talo Muhim ah
Haddii aad dareento qandho sare oo aan joogsan, la xiriir dhakhtar si dhakhso ah
Iska ilaali inaad qaadato aspirin ama ibuprofen, ama Diclofenac maxaa yeelay waxay kordhin karaan dhiig-baxa
Haddii aad ku sugan tahay aag uu cudurku ka jiro, qaado tallaabooyinka kahortagga kaneecada
Caafimaad wacan!